David Silva ayaa aaminsan in Arsenal kaliya ay awood u leedahay inay kula tartanto Manchester City horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Kooxda Mikel Arteta ayaa ahayd kooxda kaliya ee Man City kula tartantay horyaalka premier League xilli ciyaareedkii hore iyaga oo ugu dambayn 5 dhibcood ka dambeeyay Man City oo ku guulaystay premier League.
Arsenal ayaa dhinaca kale gaadhay 3 guul horyaalka premier League xilli ciyaareedkan waxana uu Silva aaminsanyahay in ay Arsenal tahay kooxda ugu dhaw ee la tartami karta Man City.
“Waxay [City] haystaan koox cajiib ah oo leh ciyaartoy cajiib ah,” Silva ayaa u sheegay The Mirror.
“Kani waa xilli ciyaareedkii sideedaad ee Pep ee City. Sannadkii ugu horreeyay ee uu la qabsaday Premier League, laakiin hadda waxay ku dhow yihiin inaan la joojin karin”.
“Arsenal waa kooxda kaliya ee aan arki karo kuwaas oo laga yaabo inay fursad u helaan inay la tartamaan City, kuwa kale ma awoodaan”.
Related