Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso xaalada xiddiga garabka uga ciyaara Manchester United Jadon Sancho waxaana laga yaabaa inay u dhaqaaqdo bisha January.
Sida laga soo xigtay Fichajes, Bayern Munich ayaa qiimo jaban ku doonaysa saxiixa xiddiga ku fashilmay Man United ee Jadon Sancho iyada oo Red Devils ka fiirsanayso in ay iska dirto xiddiga reer England.
Sancho aya ku dhibaatoonaya tan ilaa markii uu lacagta waalida ah ugu biiray kooxda suuqii sanadkii 2021 waxana uu inta badan ku jiraa kaydka.
Xiddiga ayaa haatan xidhiidh xun la leh tababaraha kooxda ee Erik Ten Hag kadib markii ay hadalo is dhaafsadeen.
Bayern Munich oo si fiican u garanaysa wax qabadka Sancho ee Horyaalka Bundesliga ayaa doonaysa in ay horyaalka Germany ku soo celiyaan xiddiga.
Inkasta oo ayna Bayern Munich wax wadahadalo dhab ah la furin hadana Waxa la filayaa in ay suuqa January wadahadalo Rasmi ah la furto Man United bilowga bisha January.
Related