Kooxda Saudi Pro League ee Al-Itixaad ayaa lagu soo waramayaa in ay u soo laaban doonaan Mohamed Salah hadii ay ku fashilmaan in ay dhamaystiraan saxiixa Xiddiga suuqa kala iibsiga xagaagan oo maanta si Rasmi ah u xidhmaya.
Sida laga soo xigtay The Telegraph, Al-Ittihad ayaa sii wadi doona xiisahooda Salah inta lagu jiro suuqa kala iibsiga mustaqbalka.
Kadib markii laga diiday dalab 150 milyan ah oo ay ku doonaysay saxiixa xiddiga todobaadkii hore, kooxda ka ciyaarta horyaalka scuuudiga ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab 200 milyan ah ka gudbisay saxixa xiddiga laakiin Reds ayaa si cad u sheegtay in uuna xiddigu iib ahayn.
Salah ayaa muhiim ka ah kooxda Liverpool waxana uu dhaliyay 2 gool halka uu caawiye ka noqday 2 kale 4 kulan oo uu ciyaareen.
Kooxda sucuudiga ka ciyaarta ayaa si aad ah u doonaysa saxiixa xiddiga reer Masar si ay ugu xoojiyaan kooxda.
Hadii ay ku fashilmaan in ay maanta dhamaystiraan saxiixa xiddiga waxa ay isku dayi doonaan in ay saxiixa xiddiga ku soo laabtaan suuqa January.

Related



Source link