Jose Angel Sanchez, oo ah maamulaha guud ee kooxda reer Spain ee Real Madrid, ayaa ka hadlay wararka xanta ah ee dhawaanahan la isla dhex marayey ee ku saabsan xiddiga reer Austria David Alaba oo xiiso ka helaya kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ee Al-Itixaad.
Kooxda Al-Ittihad ayaa si dhab ah u doonaysa saxiixa daafaca dhexe ee David Alaba si ay ugu xoojiso daafaceeda inta uuna xidhmin suuqa sucuudiga.
Jose Angel Sanchez ayaa ku sheegay hadal uu daabacay wargeyska Sacuudiga kasoo baxa ee Al-Riyadiah, in Real Madrid aysan wax dalab ah ka helin kooxda sucuudiga oo ku saabsan David Alaba isla markaas uuna daafacu ka tagi doonin kooxda.
Waxa uu carabka ku adkeeyay in David Alaba uu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan Real Madrid, islamarkaana ay kooxdu ayna diyaar u ahayn in ay iska iibiso maadama ayna wakhti u helayn la soo saxiixashada badalkiisa.
Jose Angel Sanchez ayaa sharaxay in aysan jirin dalabyo rasmi ah oo ay ka heleen kooxaha ka dhisan Sacuudiga Albaabkuna uu xidhanyahay mar walba.

Related



Source link