Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa loo sheegay in kooxda lagu qasbi karo in ay aqbasho dalabka labaad ee ay Al-Ittihad ka soo gudbisay saxiixa Mohamed Salah.
Kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ayaa mar hore laga diiday daab 150 milyan oo ay ka gudbisay xiddiga 31 jirka ah laakiin waxa la filayaa in ay ku laabato dalab cusub.
Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Al-Ittihad diyaarinayso dalab lacageed oo dhan 215 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga.
Wararka ayaa sheegaya in ay Al-Ittihad halka hore ka bixinayso lacag dhan 170 milyan oo euro halka ay inta kale noqon doonto lacago gunooyin ah.
Masuuliyiin ka socda horyaalka sucuudiga ayaa haatan ka dagay UK si ay Liverpool ugu qanciyaan in ay ka iibiyaan saxiixa xiddiga.
Halyeeyga Liverpool ee Jamie Carragher ayaa qirtay in Liverpool “aysan diidi karin” dalabkii ugu dambeeyay ee Al Ittihad.
Isagoo hadlayay todobaadkii hore, wuxuu u sheegay Sky Sports: “Marka aad eegto waxa Harry Kane u tagay, qiyaastii 100 milyan waxana uu Salah ka yaryahay hal ama 2 sano laakiin waxa uu hal sano uga hadhsanaa heshiiskiisa Tottenham laakiin Salah 2 sano ayaa uga dhiman heshiiskiisa”.
“Liverpool ma diidi karto hadii ay kooxda Al-Ittihad miiska saarto dalab lacageed oo dhan 200 milyan oo euro”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link