Xiddiga Manchester City Kalvin Phillips ayaa albaabka u furay in uu isaga tago kooxda Man City suuqa January ee soo socda hadii uuna si joogto ah ugu ciyaarin kooxda qaybta hore ee xilli ciyaareedka.
Sida laga soo xigtay wargeysyada, Phillips ayaa boorsooyinkiisa ka qaadan doona kooxda Man City bilaha soo socda si uu u helo daqiiqado ku filan ka hor tartanka euro 2024.
Xiddiga Phillips ayaa ku adkaystay in uu sii joogo kooxda Man City suuqii xagaaga inkasta oo uu helay xiiso badan oo uga yimid kooxaha premier League.
Phillips ayaa doonayay in uu sii joogi City si uu naftiisa ugu muujiyo Pep Guardiola isla markaas kasbado kalsoonida tababaraha kooxda ee Pep Guardiola.
Xiddiga Phillips ayaan kulamo badan u ciyaarin kooxda xilli ciyaareedkii hore isaga oo ku dhibaatooday dhaawacyo hoos u dhigay ciyaaristiisa.
Xilli ciyaareedkan xiddiga Phillips ayaan wax daqiiqado ah u ciyaarin kulamada ay kooxda Man City ciyaartay horyaalka premier League.
Related