Madaxa garsoorayaasha England Howard Webb ayaa sheegay in uu la yaabay qaar ka mid ah dhaleeceynta loo jeedinayo tignoolajiyada muuqaalka ah taas oo lagu diiday goolkii uu xiddiga Alejandro Garnacho ka dhaliyay Arsenal.
Kulanka oo ka dhacay Emirates Axadii ayaa ka tirsanaa horyaalka premier Leageu.
Xiddiga Alejandro Garnacho ayaa dhaliyay gool daqiiqadii 88-aad isaga oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa laakiin VAR ayaa diiday sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray xiddigu.
“Waan la yaabay qaar ka mid ah faallooyinka ku saabsan ciyaartan,” Howard Webb ayaa yidhi.
Waxa uu intaa ku daray: “Waa arin cad oo Offside ah, Tiknoolajiyada si sax ah ayaa loo isticmaalay kamaradaha la soo saaray si loo ogaado in Garnacho uu ka hor maray Gabriel goolkana waa la diiday ka dib markii horay loo ogolaaday goolka”.
Related