Halyeeyga Kooxda Inter Milan ee Antonio Cassano ayaa ra’yigiisa ka dhiibtay in Inter Milan ay u furantahay ku guulaysiga horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkan.
Inter Milan ayaa ku guuleysatay horyaalnimada Talyaaniga markii ugu dambeysay 3 xilli ciyaareed ka hor, gaar ahaan xilli ciyaareedkii 2020/2021.
Inter ayaa xilli ciyaareedka cusub ku bilaabatay 3 guul oo xidhiidh ah iyaga oo ka badiyay kooxaha Monza, Fiorentina iyo Cagliari.
Cassano oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Saddexda guul aniga igama yaabin, Inter Milan waxay ciyaartaa kubad aad u fiican, kooxduna ma dhibtooneyso”.
“Arintan way iga cadhaysiinaysaa, Inter waxa ay iska dhaaftay horyaalka laba sano, 2 sano ka hor way sii xoog badnayeen”.
“Sanadkan waxaa jira hal ballan, waana in ay kooxda Inter Milan ku guulaysato horyaalka Talyaaniga”.
Related