Weerar yahanka amaahda Ugu Biiray Barcelona suuqii xagaaga ee Joao Felix ayaa lagu soo waramayaa inuu iska diiday fursad uu ugu biiri lahaa Liverpool Sida ay sheegayaan wararku.
Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, Reds ayaa dooneysay inay Felix kala soo wareegto Atletico Madrid ka hor inta uusan u wareegin Barcelona maalintii ugu dambaysay ee suuqii xagaaga.
Kooxda Jurgen Klopp ayaa diyaar u ahayd inay Nunez u diraan Atletico Madrid si uu uga qayb ahaado heshiiska ay ku doonayaan Felix.
Si kastaba ha ahaatee, Felix, oo 23 jir ah, ayaa diiday tallaabadaas, isagoo doonayay inuu ku biiro Barcelona.
Blaugrana ayaa ugu dambeyntii dhamaystirtay saxiixa xiddiga iyaga oo heshiis amaah ah kula wareegay xiddiga reer Portugal.
Liverpool xiddiga xiddiga Felix u doonayay in uu noqdo badalka Mohamed Salah kaas oo ilaa haatan lala xidhiidhinayo horyaalka sucuudiga.
Related