Saxiixa cusub ee kooxda Liverpool ayaa qaaday Talaabo la yaab leh si uu ugu biiro kooxda Liverpool.
Klopp ayaa si dhaw ula socday qaab ciyaareedka xiddiga mudo sanado ah isaga oo doonayay in uu keeno kooxdiisa.
Liverpool ayaa kulan saaxiibtinio la ciyaartay kooxda Stuttgart 3 sano ka hor waxana ay ka hor tageen xiddiga Endo kaas oo 27 jir ahaa sanadkaas.
Endo ayaa si weyn u qanciyay Klopp kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay waxana uu xiddiga wax ka waydiiyay xiddiga Minamino oo u ciyaarayay Liverpool.
Xiddiga Endo ayaa Minamino ay isku qaran yihiin u sheegay in uu Klopp u sheego da’ been ah si uu ugu biiro Liverpool.
Endo ayaa Minamino ku yidhi”Klopp ku dhex waa 23 sano jir”.
Ugu dambayn Endo ayaa ku biiray Liverpool suuqii xagaaga waxana u rumawaday riyadiisii ahayd in uu u ciyaaro Liverpool.

Related



Source link