Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa albaabada loo laabay todobaadkii hore iyada oo horyaalada yurub isla markaas ayna wax saxiix ah samayn karin.
Laakiin taas ayaan la macno ahayn in ayna qaab xor ah xiddigo kula soo saxiixan karin.
Xiddigaha xorta ah ee aan wax heshiis ah kula jirin kooxo ayaa wakhtiga ay doonaan ku biiri kara kooxda ay doonaan xitaa hadii uu suuqu xidhanyahay.
Hal koox ayaa si gaar ah isha loogu hayn karaa kuwaas oo doonaya saxiixyo cusub inkasta oo uu xidhanyahay suuqa xagaaga.
Chelsea ayaa mar kale samaysay saxiixyo badan iyaga oo mar kale marar badan baanka u jabiyay saxiixyo cusub.
Blues ayaa ciyaartoy cusub ku iibsatay lacag dhan 464.1 milyan euro.
Si kasta ha ahaatee Blues ayaa wali ku dhibaatoonaysa qaab ciyaareedka iyaga oo laba kulan laga badiyay 4-tii kulan ee ugu horaysay.
Chelsea ayaa ku hor dhibaatoonaysa Goolka hortiisa waxana ay wali la soo saxixan kartaa weeraryahan iyaga oo maraya wadada suuqa xorta ah.
Xiddigaha Alfredo Morelos, Santi Mina, Andre Ayew, Jesse Lingard iyo Eden Hazard ayaa ah xiddigaha ay Blues la soo saxiixan karto.
Related