Waxa la soo afjaray todobaad kale oo xiiso leh horyaalka premier League iyada oo ay xiddigo badan soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican.
Wargayska Daily Mail ayaa soo saaray Liiska xiddigaha ugu fiican todobaadka horyaalka premier League.
Wargayska ayaa todobaad kasta soo saara qiimaynta xiddigaha sida fiican u ciyaaray todobaadka horyaalka premier League.
Xiddiga kooxda Tottenham ee James Maddison ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay ku badiyaan 5 gool.
Xiddiga Son ee weerarka uga ciyaara Tottenham ayaa sidoo kale wacdaro dhigay waxana loo doortay xiddiga ugu fiican todobaadka.
Hadaba halkan hoose kaga bogo 10-ka xiddig ee ugu fiican premier League:
1.Son Heung-min
2.Evan Ferguson
3.Erling Haaland
4.James Maddison
5.Jarrod Bowen
6.Declan Rice
7.Kaoru Mitoma
8.Bryan Mbeumo
9.Rodri
10.James Ward-Prowse

Related



Source link