Erik ten Hag ayaa shaaca ka qaaday in Jadon Sancho laga saaray kooxdii Manchester United ee wajaheysay Arsenal ka dib markii uu ku guuldareystay inuu ‘gaaro heerarka ugu sarreeya’ ee tababarka.
Man United ayaa guuldaro 3/1 ah kala kulantay Arsenal iyada oo Gunners daqiiqadihii ugu dambeeyay guusha gaadhay kulanka.
Kulanka waxa ka maqnaa xiddiga Jadon Sancho kaas oo aan gabi ahaan ka soo muuqan safarkii kooxdu ku aaday London.
Tababare Ten Hag ayaa ciyaarta kadib la waydiiyay xaalada xiddiga waxana uu sheegay in uuna ku qancin tababarka xiddiga.
“Qaab ciyaareedkiisa tababarka dartiis umaan dooran kulanka”ayuu Ten Hag yidhi.
“Sancho ma uusan gaadhin heerka ugu sareeeya ee tababarka Man united maalin kasta, dookh ayaan sameeyay sidaas darteed kulankii Arsenal umaan dooran”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link