Horyaalka Sucuudiga ee Pro League ayaa ka mid ah horyaalada ugu lacagta badan adduunka iyaga oo lacagtaas u adeegsanaya in ay ku soo jiitaan xiddigo badan.
Benzema, Kante, Neymar, Mahrez iyo xiddigo kale oo magac leh ayaa u dhaqaaqay horyaalka sucuudiga intii uu furnaa suuqa xagaaga.
Suuqa horyaalka sucuudiga ayaan wali si Rasmi ah u xidhmin waxana ay wali ugaadhsi ugu jiraan xiddigaha magaca ku leh qaarada yurub.
Hadaba warbixintan waxan ku soo bandhigi doonaa xiddigaha maalmaha soo socda u dhaqaaqi doona horyaalka sucuudiga.
Mohamed Salah (Liverpool)
Liverpool ayaa haatanba dalab 150 milyan ah ka diday kooxda Al-Ittihad.
Laakiin kooxda ka dhisan Jeddah ayaa wali doonaysa saxixia xidiga walina kama hadhin xiisaha ay u qabaan saxiixa xiddiga.
Paul Pogba (Juventus)
Ku biiristii Pogba ee Juventus ayaa ahayd mid niyad jab leh waxana uu kaliya kooxda u ciyaaray 7 kulan muddo sanad ah waxana uu ku dhibaatooday dhaawacyo.
Xiddiga ayaa xiiso ka helaya kooxaha ka ciyaara horyaalka sucuudiga kuwaas oo doonaya in ay helaan xiddiga.
Jadon Sancho (Manchester United)
Mustaqbalka Sancho ee Man United ayuu shaki ku jiraa iyada oo tababare Erik ten Hag uuna ku qanacsanayn xiddiga.
Saacadihii ugu dambeeyay waxa jira xiiso dhab ah oo Sancho uga imanaya kooaha ka ciyaara horyaalka sucuudiga.
Marco Verratti (PSG)
Thiago Alcantara (Liverpool)
David de Gea (free agent)
Hugo Lloris (Tottenham)
Jesse Lingard (free agent)
Daniel Podence (Wolves)
Related