Xiddiga kooxda Liverpool ee Trent Alexander-Arnold ayaa l xaqiijiyay in uu dhaawac soo gaadhay kulankii Aston Villa ee Axadii.
Trent Alexander-Arnold ayaa dhaawac uga baxay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee kulankii ay ka badiyeen kooxda Villa.
Dhaawaca Trent Alexander-Arnold ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Liverpool iyo waliba xulka qaranka England ka hor kulamada fasaxa xulalka.
Wararka ayaa sheegaya in uu Trent Alexander-Arnold garoomada ka maqnaan doono muddo 2 todobaad ah kadib dhaawacii ka soo gaadhay kulankii Aston Villa.
Sidoo kale waxa uu shaki ku jiraa in uu taam u noqdo kulanka Wolves ee kadib fasaxa xulalka iyada oo Klopp ka wal-walsanyahay xaalada xiddiga.
Related