Thomas Partey ayaa lagu soo waramayaa in uu seegi doono kulamada ay Arsenal la ciyaari doonto kooxaha Tottenham iyo Man City.
Sida laga soo xigtay Mail Online, Partey wuxuu diyaar noqon doonaa ka dib fasaxa caalamiga ah ee bisha October.
Xiddiga reer Ghana ayaa dhaawac muruqa ah ka soo gaaray dhinaca muruqa sare ee lugta todobaadkii hore.
Partey ayaa lagu soo waramayaa laga saaray tababarka khamiistii hore waxana u maray baadhitaano dheeraad ah si loo ogaado halista dhaawaca.
Baadhitaanka ayaa muujiyay in xiddiga 30 jirka ah soo gaadhay dhaawac gumaarka ah iyo waliba sidoo kale dhaawac muruqa bawadada ah.
In kasta oo Mikel Arteta aanu si cad u saarin wakhtiga soo kabashada Partey, dhakhaatiirta kooxda ayaa la sheegay in ay filayaan in xiddiga khadka dhexe maqnaan doono muddo 6 todobaad ah.
Sidaas darteed Partey ayaa seegi doona kulamada ay Arsenal la ciyaari doonto kooxaha Everton, Tottenham Bournemouth, Man City iyo waliba kulamada champions League ee ay la ciyaari doonaan PSV iyo Lens.
Related