Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool Dominik Szoboszlai ayaa sheegay in Mohamed Salah uu doonayo inuu sii joogo kooxda Liverpool inkasta oo uu xiiso ka helayo Saudi Arabia.
Xiddiga reer Masar ayaa xiiso waali ah ka helaya kooxda sucuudiga ka ciyaarta ee Al-Ittihad iyada oo Liverpool xitaa diiday dalab 150 milyan ha oo ay kooxdu ka gudbisay saxiixiisa maalintii ugu dambaysay suuqii Xagaaga.
Liverpool iyo Klopp ayaa marar badan sheegay in uuna xiddiga reer Masar iib ahayn suuqa xagaagan wax walba oo dhaca.
Xiddiga cusub ee khadka dhexe Liverpool Szoboszlai ayaa sheegay in uu Salah doonayo in uu sii joogo kooxda Man United.
“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay inuu sii joogo, dabcan waan wada hadlaynay laakiin wuxuu rabaa inuu halkaan joogo, wuxuu rabaa inuu nala joogo”ayuu u sheegay talkSPORT.
“Wuu joogay, runtii aad ayaan u faraxsanahay, ciyaaryahan weyn, qof weyn…waxaan u baahanahay wiilal isaga la mid ah kooxda, marka waan ku faraxsanahay”.
Related