Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay chelsea u soo bandhigtay saxiixa xiddiga Jadon Sancho si ay dhinacooda u helaan saxiixa xiddiga Marc Cucurella intii uu furnaa suuqii xagaaga.
Man United ayaa si aad ah u doonaysay saxiixa xiddiga Marc Cucurella si ay ugu buuxiyaan booska Luke Shaw ka dhaawacmay.
Sancho ayaan dhiniciisa ka mid ahayn qorshaha Erik Ten Hag waxana laga reebay kulankii Arsenal ee Premier League.
Sida uu sheegay Fabrizio Romano kooxda Man United ayaa Chelsea miiska u saartay xiddiga Jadon Sancho.
Laakiin Blues ayaan doonayn xiddiga maadama ay doonayeen xiddiga Man City Cole Palmer.

Related



Source link