Xiddiga kooxda Man United ee Jadon Sancho ayaa u jawaabay tababarihiisa Erik Ten Hag kadib markii uu tababaruhu sheegay in uuna xiddigu qaab ciyaareedkiisa liita ee tababarka uu sabab u ahaa in uu ka soo muuqan waayo kulankii Arsenal.
United ayaa guuldaro 3/1 ah kala kulantay Arsenal iyada oo xiddiga reer England gabi ahaan ka maqnaa Liiska.
Kadib ciyaarta Erik Ten Hag ayaa si daran ugu digtay kuna tilmaamay xiddiga reer England in uuna qaab heer sare ah uga qayb qaadan tababarka taasina sabab u ahayd in uuna xitaa kaydka ka soo muuqan kulanka.
Sancho ayaa sida iska cad aan ku faraxsanayn waxa uu tababarihiisu ka sheegay waxana uu ugu jawaabay baraha bulshada.
“Fadlan ha rumaysan wax walba oo aad aragtid oo aad maqashid”ayuu Sancho yidhi.
“Uma ogolaanayo in ay dadka kale iga sheegaan wax aan run ahayn, si fiican ayaan tababarka u qaatay todobaadkan”.

Related



Source link