Wakiilka Erling Haaland ayaa ku tilmaamay u dhaqaaqista Real Madrid mid albaabku u furanyahay iyadoo Manchester City ay ka dhigayso ciyaaryahanka ugu mushaarka badan Premier League.
Haaland ayaa lala xidhiidhinayay u dhaqaaqsita Real Madrid tan ilaa markii uu 60 milyan ugu soo biiray kooxda xagaagii hore.
Xiddiga reer Norway ayaa wacdaro ka dhigay premier League isaga oo dhaliyay 58 gool 59 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.
Si kasta ha ahaatee Aabaha dhalay Haaland ahna Xiddigii hore ee Man City ayaa qirtay in ay jirto wakhti uu Haaland ku biiri doono Real Madrid.
“Albaabka furan waxa ay ka dhignaan kartaa waxyaabo badan”ayuu ku jawaabay markii la waydiiyay hadii uu wiilkiisu ku biiri karo Real.
Hadalkna ayaa imanaysa xilli ay Man City Haaland u soo bandhigayso heshiis cusub oo uu ku qaadanayo 600 kun oo Gini todobaadkii kana dhigayso xiddiga ugu mushaharka badan.

Related



Source link