Indhaha oo dhami waxay ku sii jeedaan waqooyiga London usbuucan iyadoo Arsenal iyo Manchester United ay ku kulmayaan kulan adag oo Premier League ah.
Labada kooxood ayaa ku bilowday si adag xilli ciyaareedka cusub, iyadoo Gunners ay 7 dhibcood ka heshay seddexdii kulan ee ugu horeysay halka United ay guuldaro 2-0 ah kala kulantay Tottenham Hotspur Stadium.
Labada kooxood ayaa kulanka u soo galaya sidii ay u heli lahaayeen 3-da dhibcood ee kulanka si ay u helaan.
Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 3 meel oo ay ku kala badin karaan labada kooxood.
1.Declan Rice vs Casemiro:
booska khadka dhexe ayaa midka ugu muhiimsan kubada cagta iyada oo kooxda mar walba ku fiican ay tahay kooxda ku gacan saraysa mar walba.
Kulankan waxa isha lagu hayn doonaa xiddigaha Rice iyo Casemiro kuwaas oo si weyn isha loogu hayn doono iyada oo midka gacan sareeya ay kooxdiisu maamuli doonto ciyaarta.
2.Gabriel Martinelli vs Aaron Wan-Bissaka:
Xiddiga Martinelli ayaa si adag ku bilowday xilli ciyaareedkan.
Xiddiga reer Brazil ayaan soo bandhigin qaa ciyaareedkii la filayay isaga oo khasaariyay fursado badan waxana uu mar kale mari doonaa tijaabo uu kaga hor iman doono xiddiga Wan-Bissaka.
Wan-Bissaka ayaa dhinaca kale ku jira qaab ciyaareed fiican waxana uu si fiican u ciyaaray kulamadii uu ilaa haatan ciyaaray xilli ciyaareedkan.
3.William Saliba vs Marcus Rashford:
Saliba ayaa sidii caadada ahayd soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo joojiyay Haaland kulankii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan.
Saliba ayaa ka hor iman doona Rashford kaas ku jira qaab ciyaareed aad u liita waxana uu ku dhibaatoonayaa qaab ciyaareedka xilli ciyaareedkan.

Related



Source link