Mauricio Pochettino ayaa ka xanaaqay Moises Caicedo iyo Thiago Silva ka dib guuldaradii 1-0 ee Chelsea ka soo gaartay Nottingham Forest Sabtidii.
Labada ciyaaryahan ayaa qalad ku lahaa goolkii kaliya ee ciyaarta ee uu dhaliyay xiddiga Anthony Elanga daqiiqadii 48-aad, iyadoo Pochettino uu ka careysan khaladka ay sameeyeen labada xiddig.
Goolka laga dhaliyay chelsea ayaa ka yimid markii uu Caicedo lumiyay kubad loo dhiibay taas oo keentay in uu xiddiga Nottingham Forest dhaafo Thiago Silva ka hor inta uuna Elnga dhamaystirin fursada.
“Waxaan sameynay hal qalad, mana ahan in aan samayno khaladkaas oo kale”ayuu Pochettino yidhi.
“Taasi waa sababta aan aad ugu xanaaqay”.
“Kubadda cagta waa in aanad samayn khalad, hhal khalad ayaan samaynay waanan ka shalaynay”.
 

Related



Source link