Jurgen Klopp ayaa mar kale ka fogeeyay Mohamed Salah inuu u dhaqaaqo Al-Itixaad wuxuuna sheegay in garabka Liverpool uusan ku mashquulin wararka la isla dhexmarayo ee ku hareeraysan.
Merseysiders ayaa diiday dalab 150 milyan oo ay kooxda sucuudiga ku doonayso saxiixa xiddiga maalintii ugu dambaysay suuqa iyada oo ay kooxdu diidantahay in ay iibiso xiddiga.
Laakiin xiisaha Al-Ittihad ayaan meesha ka baxayn waxana jira haatan warar sheegaya in ay kooxdu diyaarinayso dalab lacageed oo dhan 200 si ay u hesho saxiixa xiddiga.
ka hor kulanka Aston Villa Klopp ayaa wax laga waydiiyay mustaqbalka xiddiga Mohamed Salah.
Klopp ayaa la waydiiyay hadii uu ka fiirsaday in uu kaydka dhigo Salah wxana uu yidhi”Ma ahayn wax aan ka fikiray”.
“Marn kama fikirin sababta oo ah wararka saaxaafadu marna run ma noqdaan”.

Related



Source link