Tababaraha Kooxda Man United ayaa ka hadlay guuldaradii ay kooxdiisu kala kulantay Arsenal kulan ka tirsnaa premier League.
Man United ayaa guuldaro 3/1 ah kala kulantay Arsenal oo joogtay garoonkeeda kulan ka tirsnaa horyaalka premier League.
Inkasta oo ay United ku hor martay goolka hadana waxa ay la kulantay guuldaradii 2-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
“Waxaan qabaa inaan u qalanay inaan badino kulankaan laakiin mar walba ma heleysid waxa aad u qalanto”.
“Waxaan aad u fiiriyaa sida aan kor ugu qaadnay qaab ciyaareedkeena, hadii aad eegto kulankii Wolves, horumar ayaan samaynay, Caawa waxa aan arkay koox isku xidhan, waanan ku faraxsanahay qaab ciyaareedka iyo horumarka qaab ciyaareedka”.
“Waxaan sameynay wax wanaagsan, horumar ayaan sameynay, waan ku adkeysanay qorshaha, waxaana aaminsanahay mustaqbalka, waxaan ku guuleysan doonaa kulamadan oo kale.”

Related



Source link