Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Liverpool ee Dominik Szoboszlai ayaa isku qoray taariikhda premier League.
Xiddiga Dominik Szoboszlai ayaa dhaliyay goolka furitaanka kooxdiisa kulanka ay la ciyaarayaan Aston Villa kulan ka tirsan premer League.
Xiddiga khadka dhexe ayaa goolka ka toogtay meel fog waxana uu kooxdiisa u dhiiby hogaanka ciyaarta wakhti hore.
Kadib goolka xiddiga Dominik Szoboszlai ayaa isku qoray taariikhda horyaalka premier League.
Xiddiga Dominik Szoboszlai ayaa noqday xiddigii 4-aad ee u dhashay dalka Hungray ee gool dhaliya horyaalka premier League.
Xiddiga Dominik Szoboszlai ayaa maray wadada xiddigaha Zoltán Gera, Tamás Priskin & Ákos Buzsáky.
Related