Kooxda Barcelona ayaa ahayd mashquul maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga iyada oo ka yaabisay taageerayaasha kooxaha kale.
Barcelona ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee suuqa ku dhawaaqday saxiixyada Felix iyo Cancelo oo ay kula soo wareegtay amaah.
Inkasta oo ay kooxdu ku dhibaatoonaysay dhinaca dhaqaalaha hadana waxa ay la wareegtay laba saxiix oo aad u fiican.
Kadib suuqa kala iibsiga waxa la soo saaray xiddigaha ugu mushaharka badan kooxda Barcelona.
Xiddiga Khadka dhexe ee Frenkie De Jong ayaa ka mid ah xiddigaha ugu mushaharka badan kooxda Barcelona.
Halkan kaga bogo 10-ka xiddig ee ugu mushhaarka badan:
Frenkie de Jong – €18,000,000*
Robert Lewandowski – €10,000,000
Ilkay Gundogan – €9,000,000
Jules Kounde – €6,500,000
Joao Cancelo – €6,000,000
Raphinha – €6,000,000
Joao Felix – €5,000,000
Ferran Torres – €4,800,000
Pedri – €4,500,000
Inigo Martinez – €4,500,000
Related