Rio Ferdinand ayaa uga digay saxiixa cusub ee Manchester United Sofyan Amrabat inuu si deg-deg ah ula qabsado premier League xilli walaac laga muujinayo rikoodhkiisa dhinaca anshaxa.
Man United ayaa xagaagii oo dhan ku raad joogtay xiddig Sofyan Amrabat si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe ee kooxda.
United ayaa ugu dambayn maalintii ugu dambaysay ee suuqa dhamaystirtay saxiixiisa waxana ay kula soo wareegeen heshiis hal sano oo amaah ah.
“Dhamaan xiddiguhu waxa ay u baahanyihiin in ay la qabsadaan premier League, hadii uu si deg-deg ah ula qabsado wuu fiicnaan doonaa, horyaalka premier League waa ka deg-deg badan yahay horyaalka talyaaniga”.
“Waa ciyaartoy heer caalami ah, waxa uu ciyaaray kulamo heer caalami ah sidaas darteed waxan rajaynayaa in uu leeyahay caqli dagan”.
Related