Tababaraha Kooxda Chelsea ee Mauricio Pochettino Ayaa ka hadlay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Nottingham Forest kulan ka tirsanaa horyaalka premeir League.
“Waan ka niyad jabnay sababtoo ah waxaan sameynay wax walba si aan isku dayno oo aan natiijo ka duwan u helno laakiin kubada cagta waa in aanad khaladaad samayn, hal khalad ayaan samaynay waxana uu sababay gool”.
“Waxaan abuurnay fursado badan laakiin ma aanan dhalinin, Premier League runtii waa mid lagu tartamo hadii aadan dhalin wey adag tahay inaad guuleysato”.
“Nottingham ma samayn fursado badan kaliya waxa ay naga dhaliyeen khalad aan samayn, aad ayaan uga niyad jabsanahay sababta oo ah waxa uu ahaa kulan ay tahay in aan badino, waxa aan u baahanahay in aan dhamaystirno fursadaha aan helno”.
“Hambalyo iyagaa leh laakiin waanu ka niyad jabnay sababtoo ah waanu dhalin kari waynay fursadihii aan helnay”.
Related