Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in saxiixooda cusub ee Ryan Gravenberch uu helay warqada shaqada isla markaas tababarka la bilaabay saaxiibadiisa cusub.
Xiddiga Ryan Gravenberch ayaa Liverpool ku soo biiray maalintii ugu dambaysay ee suuqii xagaaga isaga oo kaga soo biiray Bayern Munich.
Xiddiga reer Netherlands ayaa Liverpool ugu soo biiray lacag dhan 40 milyan oo euro waxana uu noqday saxiixii 4-aad ee ay samayso kooxda Liverpool.
Reds ayaa xaqiijisay in uu xiddiga Ryan Gravenberch bilaabay tabaabrka uu la qaadanayo kooxdiisa cusub kadib markii la siiyay ama loo ogolaaday warqada shaqada.
Si kasta ha ahaatee xiddiga Ryan Gravenberch ayaa sugi doona in uu Liverpool u ciyaaro kulankiisii ugu horeeyay.
Xiddiga Ryan Gravenberch ayaan la diwaan galin si uu uga soo muuqdo kooxda Liverpool ee Axada ka hor tagi doonta kooxda Aston Villa kulan ka dhici doona Anfield.
Related