Halyeeyga kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa u sheegay Liverpool in ay iska iibiso xiddiga Mohamed Salah una dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Arsenal ee Bukayo Saka.
Hadalka Merson ayaa imanaya xilli uu shaki weyn ku jiro mustaqbalka xiddiga ugu fiican Liverpool ee Mohamed Salah.
Salah ayaa si weyn loola xidhiidhinyaaa kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ee Al-Ittihad kuwaas oo xitaa dalab waali ah ka soo gudbiyay saxiixa xiddiga.
Inkasta oo suuqa yurub xidhmay 1 bishan hadan suuqa horyaalka sucuudiga ayaa wali furnaan doona ilaa labada todobaad ee soo socota.
Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Al-Ittihad diyaarinayso dalab cusub oo lagu soo waramayo 200 milayn oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga.
Merson ayaana u sheegay Liverpool in ay u dhaqaaqdo xiddiga kooxda Arsenal ee Bukayo Saka inta ay Iska iibiso xiddiga Mohamed Salah.
“Waa in ay haatan Mohamed Salah ku iibiyaan 200 milyan kadib suuqa January 150 milyan ugu dhaqaaqaan saxiixa Saka”.
“Salah haatan waa 31 sano jir waxana laga soo gudbiyay 200 milyan oo euro waa in ay ka fikiraan”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link