Xiddiga Kooxda Man City ee Erling Haaland ayaa sii wada wacdarihii horyaalka premier League kadib markii uu gawracay Fulham.
Haaland ayaa dhaliyay saddexley kulankii ay kooxdiisu 5/1 kaga badisay kooxda Fulham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.
Kadib saddexleyda Haaland ayaa isku qoray taariikhda horyaalka premier League isaga oo jabinaya rikoodho ay dhigeen Halyeeyo.
Haaland ayaa ku lug lahaa 50 gool (41 gool iyo 9 caawin) 39 kulan oo uu ciyaaray horyaalka premier League.
Haaland ayaa sidaas darteed jabiyay rikoodh uu dhigay Halyeeyga Man United ee Andrew Cole kaas oo 43 kulan ku qaatay in uu 50 gool ku lug lahaado.
Haaland ayaa sidaas darteed noqday xiddiga ugu dhakhsaha badan ee gaadha 50 gool iyo caawin tartanka premier League.

Related



Source link