Maanta waxa si Rasmi ah u xidhmaya suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxaha kala duwan u dagaalamayaan sidii ay u dhamaystiri lahaayeen saxiixyada ay doonayaan.
Kooxaha ayaa haysta saacado yar si ay u dhamaystiraan saxiixyda ay doonayaan iyada oo la filayo dhaq-dhaqaaqyo badan oo ay sameeyaan kooxaha kala duwan.
Sidii caadada ahayd kooxda.com waxa ay idiin soo gudbinaysaa wararka iyo dhacdooyinka ugu dambeeya ee maalinta ugu dambaysa suuqa kala iibsiga xagaaga.
Hadaba halkan ku soo laabo si aad ula socoto heshiis kasta oo dhaca saacadaha ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga xagaaga
8:41 AM: Saacadaha uu suuqau ka xidhmi doono horyaalda ugu waaweyn qaarada yurub:
Germany 07:00pmItly 09:00pmFrance 12:00pmEngland 01:00 AmSpain 01: 00AmScotland 02:00 pm
dhamaantood waa wakhiga Somaliya.
9:25: AM: Joaa Palhinha Oo loo ogolaaday in uu u duulo Munich saaka xilli uu ku sii dhawaanayo ku biirista kooxda reer Germany.Laakiin xiddiga ayaan wali ogolaansho loo siin in uu tijaabada caafimaadka u maro Munich maadama wali labada kooxood ka shaqaynayaan heshiis buuxa.
9:45 AM: Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Ryan Gravenberch ayaa haatan soo gaadhay magaalada Liverpool si uu u dhamaystiro heshiiska uu ugu biirayo Liverpool.
9:49 AM: Chelsea iyo Bayern ayaa haatan ka wada xaajoonaya saxiixa Trevoh Chalobah oo amaah ah.
10:14 AM: Wararka ka imaanaya Saudi Arabia ayaa sheegaya in Mohamed Salah uu haatana soo gaadhay magaalada Jeddah Si uu u dhamaystiro heshiiska uu ugu biirayo kooxda Al Itixaad.
10:38 AM: Kooxda Man United ayaa si Rasmi ah u dhamaystirtay saxiixa Goolhayaha Altay Bayindir kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Fenerbahçe.
11:30 AM: Kooxda chelsea ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay dhamaystrka Saxiixa xiddiga Cole Palmer oo ay kala soo wareegtay kooxda Man City.
12:02 PM: Nuno Tavares oo amaah uga tagay kooxda Arsenal kuna biiray kooxda Nottingham Fores.
12:31 PM: Kooxda Man City ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Mathues Nunes kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Wolves.
4:27 PM: Ryan Gravenberch ayaa ku baasay tijaabada caafimaadka Liverpool waxana uu haatan qalinka ku duugayaa heshiis 5 sano ah.
4:28 PM: Kooxda Liverpool ayaa diiday dalab waali ah oo ah Kooxda Al-Ittihad Ka Gudbisay saxiixa Xiddiga Mohamed Salah.
4:29 PM: Manchester United ayaa heshiis amaah hal xiliciyaareed ah kula soo wareegtay Sofyan Amrabat oo ay kaga soo qaadatay Fiorentina.
6:03 PM: Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Sergio Reguilon oo ay kala soo wareegtay Tottenham.
8:19 PM: Man United ayaa hal sano ka saxiixatay xiddiga Jonny Evans kaas oo ay doonayaan in ay hal sano sii haystaan xiddia.
9:36 PM: Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga João Félix kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Atletico Madrid.
Related