Tababaraha Bayern Munich ee Thomas Tuchel ayaa u muuqda mid xaqiijiyay ku biirista xiddiga Ryan Gravenberch ee Liverpool.
Gravenberch ayaa haatan tijaabada caafimaadka u maraya kooxda Liverpool si uu u dhamaystiro heshiiska.
Liverpool ayaa xalay Bayern Munich kala heshiisay saxiixa xiddiga iyada oo haatan heshiiska tababaraha Bayern xaqiijiyay.
“Gravenberch waxa uu doonayay in uu boxo in muddo ah”ayuu Tuchel yidhi.
“Waxa uu fursadiisa ku arkaa in uu u dagaalami karo Liverpool waxana uu ka ciyaari karaa No.8 ee shaxda 4-3-3”.
“Dalab ayaa u yimid waan ka wadahadalnay, wali lama dhamaystirin heshiiska laakiin way iska cadahay in la dhamaystiri doono”.
Related