Kooxda Man United ayaa si Rasmi ah u dhamaystirtay saxiixa Goolhayaha Altay Bayindir kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Fenerbahçe.
Man United ayaa dhamaystirtay saxixa Goolhayaha kadib markii Dean Henderson ku biiray kooxda Crystal Palace.
Goolhaye Altay Bayindir ayaa noqon doona badalka Dean Henderson waxana uu booska Goolhayaha 1-aad ee kooxda kula tartami doonaa Andre Onana.
Goolhaye Bayindir ayaa noqday saxiixii 3-aad ee ay kooxda Man United samaysay kadib Onana iyo Mason Mount.

Related



Source link