Kooxda Liverpool ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Ryan Gravenberch kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Bayern Munich heshiis wakhti dheer ah.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Holland Gravenberch ayaa noqonaya ciyaaryahankii afaraad ee xagaaga ku soo biira Liverpool ka dib markii uu tijaabada caafimaadka ku maray islamarkaana uu maanta ku soo gabagabeeyay heshiiska xarunta tababarka AXA.
Xiddiga ayaa ku soo biiray Liverpool kadib markii uu iska diiday kooxda Man United oo doonaysay saxiixiisa intii uu furnaa suuqa xagaaga.
Gravenberch ayaa dhamaystiraya dib u dhiska Liverpool ee suuqa kala iibsiga xagaaga kadib markii ay xiddigo badan iska fasaxday.
Xiddiga 21 jirka ah ayaa kooxdiisa cusub u xidhan doono Lambarka No.38 sida ay xaqiijisay kooxda Liverpool

Related



Source link