Kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ee Al Ittihad ayaa wali doonaysa in ay saacadaha soo socda dalab Rasmi ah ka gudbiso saxiixa xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah.
Weeraryahanka Liverpool ayaa weli ku jira liiska ciyaartoyda ay doonayaan kooxda Al Ittihad Iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan kooxdooda xagaagan.
Iyadoo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Premier League uu xidhmayo caawa, suuqa horyaalka sucuudiga ayaa sii furnaan doona hal todobaad oo kale iyada oo suuqaas xidhmayo 7 bishan haatan bilaabantay.
Kooxda ka ciyaarta sucuudiga ayaa diyaar u ah in ay Salah u soo bandhigto lacag dhan 1.5 milyan toodbaadkii si ay u keenaan horyaalka sucuudiga.
Sidoo kale kooxda Al Ittihad ayaa diyaar ula ah Liverpool lacag ka badan 100 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga.
Liverpool ayaa wali ku adkaysanaysa in uuna xiddiga reer Masar iib ahayn, isla markaana aanay wax niyad ah u qabin in ay iibiso, mana jiro wax dalab ah oo u yimid.

Related



Source link