Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga João Félix kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Atletico Madrid.
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Barcelona heshiis la gaadhay Atletico Madrid si ay u dhamaystiraan heshiiska xiddiga reer Portugal.
Kooxda Barcelona ayaa xiddiga João Félix kula wareegaysa heshiis amaah ah oo hal xilli ciyaareedk ah.
Kooxda Barcelona ayaa haatan sugaysa kaliya warqadaha heshiiska si ay ugu dhawaaqdo heshiiska xiddiga garabka ka ciyaara.
18 bishii July xiddiga João Félix ayaa waraysi uu bixiyay ku yidhi”Waxa aan doonayaa in aan ku biiro Barcelona, waa kooxdayda Riyada”

Related



Source link