Kooxda Barcelona ayaa shaaca ka qaatay in da`yarkooda Ansu Fati uu kooxda ka huleelay waliba u caga dhigtay horyaalka Ingiriiska
Fati ayaa amaah ilaa xagaaga 2024-ka waxa uu ugu joogayaa kooxda Brighton mana jiro qodob xusaya in ay toos ula wareegi karaan
Waxaa kale oo xusid mudan in Brighton dhawaan ay wada bixineyso mushaarka laacibka
Fati ayaa Barca u taga isaga oo 10 sano jir ah sanadkii 2012-ka waxa uuna waqtigaas ka wareegay da`yarta kooxda Sevilla

Markii ugu horeeysay waxa uu Barca la soo muuqday sanadkii 2019-kii waqtigaas oo uu ahaa 16 sano iyadoo goolkiisii ugu horeeyay ee ka dhaliyay kooxda Assosuna
Xilli ciyaareedkii hore waxa uu dhaliyay 7 gool ka dib 36 kulan oo horyaalka ah halka qaranakana Spain uu u saftay 7 kulan caalami ah
“Waan hubnaa i Fati si wacan ayuu kooxda u caawinayaa halka kooxdana ka caawin doonto in heer ciyaareedkiisii lagu yaqiinay u soo ceshto” waxaa sidaas yiri tababaraha Brighton
 
 

Related



Source link