Kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ee Al Ittihad ayaan wali ka quusan saxiixa xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah.
Sky Sport ayaa sheegaysa in ay kooxda Al Ittihad diyaarinayso dalab cusub oo ay ku doonayso saxiixa xiddiga reer Masar.
Al Ittihad ayaa laag diiday dalab 150 milyan ah oo ay ku doonayso saxiixa xiddiga Mohamed Salah iyaga oo u sheegay in uuna xiddigu iib ahayn.
Laakiin Waxa ay u muuqataa in ayna Al Ittihad wali ka hadhin baacsiga xiddiga iyaga oo doonaya saxiixa xiddiga saacadaha ka dhiman suuqa kala iibsiga.
Sky Sport ayaa sheegaysa in ay kooxda Al Ittihad diyaarinayso dalab lacageed oo dhan 200 milyan oo euro si ay u helaan saxiixa xiddiga.
Related