Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda Al-Ittihad ayaa diyaarinaysa dalab 118 milyan ah iyaga oo ku doonaya saxiixa xiddiga Mohamed Salah inkastoo Liverpool ay ku adkeysaneyso in 31-sano jirkooda Masar uusan iib aheyn (Mail).
Tababaraha Liverpool ayaa laga yaabaa in uu iska casilo shaqada tababaranimo ee Liverpool hadii ay maamulka kooxdu wakhtigan aqbalaan dalabka kooxda sucuudiga  (Star).
Man United ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga kooxda Fiorentina ee Sofyan Amrabat (Mirror).
Kooxda Man United ayaa sidoo kale la xidhiidhay Tottenham si ay uga hesho xiddiga Pierre-Emile Hojbjerg (Sky Sports).
Kooxda Bayern Munich ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Fulham ee Joao Palhinha (Sky Sports Germany).
Liverpool ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Bayern Munich iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Ryan Gravenberch (Romano).
Kooxda Man United ayaa si dhab ah uga fiirsanaysa saxiixa xiddiga kooxda Tottenham ee Ryan Sergio Reguilon iyada oo ay ku dhibaatoonayso in ay chelsea kala heshiiso saxiixa Cucurella (Athletic).
Kooxda Al-Ittihad ayaa sidoo kale doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Liverpool ee Ibrahima Konate (RMC Sport).
Kooxda Real Madrid ayaa ogolaatay in ay dalab ka gudbiso saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe iyada oo ku kalsoon in ay dhamaystiri karan heshiiska xiddiga (Vozpopuli).
Xiddiga Joao Felix ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Barcelona si uu ugu biiro Amaah hal xilli ciyaareed ah (Cadena SER).

Related



Source link