Liverpool ayaa la filayaa inay dalab Rasmi ah oo ay ku doonayso xiddiga Ryan Gravenberch U Gudbiso kooxda Bayern Munich iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe uu doonayo inuu u dhaqaaqo Premier League.
Gravenberch ayaa bartilmaameed dheer u ahaa Jurgen Klopp laakiin Bayern ayaa diiday xiisihii Liverpool ee xiddiga bilowgii xagaagan iyada oo doonaysay in ay sii haysato xiddiga.
Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Bayern Munich ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaaga.
Liverpool ayaa la rumaysanyahay in ay diyaarinayso dalab lacageed oo dhan 30 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga Gravenberch.
Xiddiga Gravenberch ayaa haatan heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Liverpool waxana ay Reds wadahadalo kula jirtaa Bayern Munich si ay u hesho xiddiga.
Related