Kooxda Liverpool ayaa dhmayatistirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Ryan Gravenberch sida uu xaqiijiyay Fabrizio Romano.
Romano ayaa xaqiijiyay in ay Liverpool xiddiga Ryan Gravenberch ka bixinayso lacag dhan 40 milyan oo euro iyo 5 milyan oo Guno ah.
Xiddiga Ryan Gravenberch ayaa haatan u duulaya Liverpools i uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxdiisa cusub maalinta bari ah.
Labada kooxood ayaa haatan si Rasmi ah uga heshiyay waxana la filayaa in uu xiddigu saacadaha soo socda noqdo xiddig Liverpool ah.
Gravenberch ayaa qalinka ku duugaya heshiis 5 sano ah oo uu u saxiixayo kooxda Liverpool si uu u noqdo xiddigii 4-aad ee ay sameeyaan suuqa xagaaga.
Related