Gabriel Magalhaes Ayaa si maldahan uga hadlay mustaqbalkiisa kooxda Arsenal xilli uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa.
Xiddiga reer Brazil ayaa muhiim u ahaa Arsenal xilli ciyaareedkii hore isaga oo kooxda ka caawiyay ku guulaysiga horyaalka.
Laakiin Arteta ayaa kaydka dhigay xiddiga kulamadii ay ilaa haatan ciyaartay kooxda Arsenal.
Mustaqbalka xiddiga ayuu shaki ku jiraa iyada oo lala xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaaga.
Xiddiga ayaa lala xidhiidhinayaa horyaalka sucuudiga iyada oo kooxaha sucuudiga doonayaan in ay u dhaqaaqaan.
Si kasta ha ahaatee xiddiga 25 jirka ah ayaa si maldahan u sheegay in uuna meelna uga socon kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan.
Gabriel Magalhaes Ayaa boggiisa Baraha bulshada soo dhigay sawir uu raaciyay qoraal ah “Waxan diyaar u ahay in aan qoro sheeko cusub”.

Related



Source link