Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda chelsea ayaa dalab ka gudbin karta saxiixa xiddiga kooxda Brentford ee Ivan Toney oo lagu qiimeeyo 80 milyan oo euro ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaaga (Independent).
Kooxda Tottenham ayaa Bayern Munich u soo bandhigtay fursad ay kula saxiixan karto xiddiga Erik Dier (Sky Germany).
Man United ayaa kooxda Lyon ka gudbisay dalab amaah ah oo ay kaga doonayso xiddiga Nicolas Tagliafico (Le Parisien).
Kooxda Man United ayaa sidoo kale dalab amaah ah ka gudbisay xiddiga kooxda Chelsea ee Marc Cucurella (Athletic).
Kooxda Bayern Munich ayaa chelsea wax ka waydiisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Conor Gallagher iyo Trevoh Chalobah (Talksport).
Kooxda chelsea ayaa ka fiirsanaysa in ay mar kale qaab amaah ah kula soo wareegto xiddiga kooxda Atletico Madrid ee Joao Felix (90min).
Kooxda Aston Villa ayaa Barcelona kula jirta in ay qaab toos ah ula wareegto daafaca Clement Lenglet (Fabrizio Romano).
Kooxda Arsenal ayaa diiday dalabka kooxda chelsea ku doonaysay saxiixa xiddiga Emile Smith Rowe (Mail).
Kooxda Al-Ittihad ayaa dalab aad u sareeya ka gudbinaysa xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah (Alriyadiya).
Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab 20 milyan ah kula soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee kooxda Leicester City ee Wilfried Ndidi (Miguel Delaney).
Kooxda Liverpool ayaa wali xiiso u qabta saxiixa xiddiga kooxda Crystal Palace ee Cheick Doucoure (Miguel Delaney).
Kooxda Liverpool ayay ka go’antahay in ay sii haysato Mohamed Salah inkasta oo ay Al-Ittihad dalab 129 milyan ah ka gudbinayaan xiddiga (CBS).
Bayern Munich ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Man United ee Scott McTominay kaas oo Ryan Gravenberch ka caawin kara in uu ku biiro Man United (Bild).
Man United ayaa u dhaqaaqi karta saxiixa xiddiga kooxda Tottenham ee Pierre-Emile Hojbjerg si ay ugu xoojiso khadka dhexe (Telegraph).
Kooxda chelsea ayaa doonaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddigaha Barcelona ee Raphinha iyo Ferran Torres (Mail).
 

Related



Source link