Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay dalab rasmi ah ka gudbisay daafaca bidix ee Chelsea Marc Cucurella heshiis amaah ah oo bilow ah.
Red Devils ayaa si ba’an u baadi goobeysa Xoojinta daafaca Bidix kadib dhaawac Luke dhaw soo gaadhay.
Kooxda Man United ayaa Marc Cucurella u calaamadsatay badalka Luke shaw waxana ay la gaadheen heshiiska shaqsiga.
Sida laga soo xigtay The Athletic Reds ayaa kor u qaaday dadaalada ay ku doonayso saxiixa xiddiga Marc Cucurella.
Kooxda Man United ayaa dalab amaah ah ka gudbisay saxiixa xiddiga reer Spain si ay ugu xoojiyaan kooxda ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaaga.
Xiddiga Marc Cucurella oo 25 jir ah ayaa diyaar u ah in uu isaga tago kooxda chelsea suuqa Xagaaga si uu ugu biiro koox uu si joogto ah ugu ciyaaro.

Related



Source link