Ryan Gravenberch ayaa doorbidaya u dhaqaaqista Liverpool Isaga oo iska diiday kooxda Man United iyada oo Kooxda Klopp wadahadalo la furtay Bayern Munich.
Xiddiga reer Netherlands ayaa doonaya in uu isaga tago Bayern Munich ka hor inta uuna suuqu Xidhmin maalinta jimcaha kadib markii uu ku dhibaatooday in uu boos ka helo kooxda.
Kooxaha Liverpool iyo Man United ayaa wadahadalo ka yeeshay wakiilada xiddiga laakiin wax dalab ah kamay gudbin xiddiga.
Sida laga soo xigtay The Athletico, Liverpool ayaa wadahadalo la furtay Bayern Munich si ay ugala heshiiso qiimaha xiddiga.
Wararka ayaa sheegaya in ay Liverpool ka shaqaynayso in ay si toos ah yula wareegto xiddiga 21 jirka ah.
Ryan Gravenberch ayaa lagu so waramayaa in uu u sheegay Man United in uu doonayo in uu ku biiro Liverpool si uu ula shaqeeyo tababare Klopp.
Related