Kooxda Fiorentina ayaa lagu soo waramayaa in ay diiday dalabkii furitaanka ahaa ee ay Man United ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Sofyan Amrabat sida ay sheegayaan wararku.
Kadib warar ku saabsanaa xiisaha xiddiga Man United ayaa wadahadalo Rasmi ah la furtay Fiorentina si ay u hesho saxiixa xiddiga reer Morocco.
Red Devils ayaa si aad a u donaysa saxiixa xiddiga laakiin waxa ayna ula wareegi karin qaab toos ah sabab la xidhiidha in ay iska ilaalinayso in ay jabiso xeerka dhaqaale wanaaga.
Man United ayaa sidaas darteed dalab amaah ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Sofyan Amrabat maadama ayna bixin karin lacagta 30-ka milyan ee ay Fiorentina ku qiimayso xiddiga.
Sida laga soo xigtay Gianluca Di Marzio, Fiorentina ayaa isl markiiba diiday dalabka kooxda Man United.
Kooxda talyaaniga ka ciyaarta ayaa ku adkaysanaysa in ay hesho qiimaha ay ku doonayso xiddiga Ambrabat.
Wararka ayaa sheegaya in ay Fiorentina u sheegtay Man United in ayna aqbali doonin wax ka yar 30 milyan oo euro si ay u fasaxdo xiddiga.
Related