Kooxda Chelsea ayaa sii wada waalidii suuqa kala iibsiga iyada oo haatan si Lama filaan ah ugu dhaqaaqday xiddig u ciyaara Man City.
Chelsea ayaa dalab ka gudbisay saxiixa xiddiga da’yarka kooxda Man City ee Cole Palmer si ay u helaan saxiixiisa suuqa kala iibsiga xagaaga.
Blues ayaa Man City miiska u saartay dalab lacageed oo dhan 35 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga Cole Palmer.
Laakiin Man City ayaa isla markiiba diiday dalabka kooxda chelsea ku doonayso xiddiga da’yarka ah.
Sida laga soo xigtay Evening Standard, Man City ayaa chelsea u sheegtay in ay bixiso lacag dhan 45 milyan si ay u hesho xiddiga.
Palmer ayaa ka mid ah xiddigaha da’yarka ah ee u soo kacaya Man City isaga oo kooxda u dhaliyay gool kulankii Community Shield-ka ee ay la ciyaareen Arsenal.

Related



Source link