Kooxda chelsea ayaa Man United u sheegtay in ay bixiso lacag dhan 5 milyan oo euro hadii ay amaah ku doonayso saxiixa xiddiga Marc Cucurella.
Red Devils ayaa dalab amaah ah ka gudbisay saxiixa xiddiga reer Spain si ay ugu xoojiso kooxdeeda xilli ciyaareedkan.
Inkasta oo ay chelsea u ogoshahay Cucurella in uu isaga tago kooxda chelsea waxa ay doonayaan in kooxda doonaysa ay bixiso dhamaan mushaharkiisa sanadkaas iyo waliba lacag 5 milyan ah.
Kooxda chelsea ayaa Cucurella ka soo bixisay lacag dhan 62 milyan oo euro iyaga oo kala soo wareegay kooxda Brighton sanadkii 2022.
Si kasta ha ahaatee Man United ayaa miiska saartay dalab lacageed oo dhan 2 milyan oo euro taas oo keentay in ay chelsea diido dalabkaas.
Wadahadalada labada dhinac ayaa socda iyaga oo doonaya in ay ka heshiiyaan saxiixa xiddiga ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaaga.

Related



Source link