Tababaraha kooxda Chelsea Mauricio Pochettino ayaa sheegay inuusan ka warqabin hadii ay chelsea wadahadalo kula jirto kooxda Man United si ay uga iibiso xiddiga Marc Cucurella laakiin wuxuu sheegay inuu weli ku xisaabtamayo ciyaaryahanka reer Spain.
Red Devils ayuu ku habsaday dhaawacyo daafaca Bidix iyada oo Luke shaw la filayo in uu maqnaado muddo dheer iyada oo sidoo kale xiddiga Tyrell Malacia uu garoomada ka maqnaan doono.
United ayaa chelsea la furtay wadahadalo ay kaga doonayso xiddiga Marc Cucurella maalmaha ka dhiman suuqa kala iibsiga xagaaga.
Isagoo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Carabao Cup ee Arbacada ay la ciyaarayaan AFC Wimbledon, Pochettino ayaa yiri isagoo ka hadlaya xiisaha United ee Cucurella: ‘Kama hadli karo malo iyo xanta”.
“Kama hadli karo wararka xanta ah. Waxaan filayaa, xilligan, waxba isma beddelin”.
Related